berberatoday.com
Liverpool Oo Ciyartii Furitaanka Horyaalka Ingiriiska Guul Weyn Ka Gaadhay.
August 10, 2019 - Written by admin

Liverpool(Berberatoday.com)-Kooxda Liverpool ayaa qeybtii hore ee ciyaarta waxa ay dhalisay afar gool oo ay ku af bilowdeen xilli ciyaareedka cusub ee Horyaalka Ingiriiska.

Ciyaartan ayaa aheyd mid ay kooxda Liverpool ku soo bandhigtay hab ciyaareed wanaagsan oo ay daadka ku raacisay kooxda dhawaan ku soo biirtay Horyaalka Ingiriiska ee Norwich oo ay ku wada dheeleen garoonka Anfield.

 

Kabtan kooxda Norwich Grant Hanley ayaa goolkii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedkan shabaqa kooxdiisa cuksiiyay kaddib laad uu u soo dusiyay Divock Origi.

Maxamed Salaax ayaa dhaliyay goolka labaad ee ciyaarta kaas oo uu u soo dhigay laacibka reer Brazil Roberto Firmino halkaasna waxa uu Salaax ku furay koontada goolasha ee xilli ciyaareedkan.

Goolka saddexaad ayaa waxaa madaxa si fudud ugu dhaliyay daafaca kooxda Liverpool Virgil van Dijk kaas oo aanay ilaa iyo haatan jirin cid dhulka dhigta.

Halka ciyaaryahan Origi oo noqday ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa garoonka uu goolka afraad shabaqa madaxa ku daba mariyay kaddib laad uu kor u soo marayay Trent Alexander-Arnold.

Gool uu qeybtii labaad ee ciyaaryaarta uu kooxda Norwich u dhaliyay ciyaaryahan Teemu Pukki ayaa ciyaarta ka dhigay 4-1, kooxdaas oo si weyn loogu awood sheegtay.

Garoonka ayaa laga maqlayay sawaxan badan iyo qeylo ka soo baxaysay taageerayaasha Liverpool ee soo buux dhaafiyay garoonka Anfield kaas oo ay ka dhacaysay ciyaartii ugu horraysay ee xilli ciyaareedkan.

Hasayeeshee taageerayasha ayaa ka niyad jabay dhaawac soo gaadhay goolhayaha ay adag tahay in gool laga dhiyaba ee u dhashay dalka Brazil, Allison, waxaana isla qeybtii hore lagu badelay goolhayaha cusub ee Liverpool Adrian.

SAWIRRO:

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews