“Mooshinkan Aanu Ku Gudbinay Dagaal Baa Lala Galay”
August 10, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Siciid Warsame Ismaciil (Gaane), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay mooshinka ay gudbiyeen, waxaanu tilmaamay in la isku dayey in mooshinkan la hor istaago, balse ay suurtagal noqon weyday.
Xildhibaan Siciid Warsame Ismaciil (Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada dib u dhacaysa ee uu sheegay Guddoomiyaha Komishanka iyo xaalada uu dalku marayo, waxaanu si gaar ah fariin ugu diray Madaxweynaha waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Mooshinkan aanu ku gudbinay 15 Muddane ee labada Kulmiye nagu jireen, dagaal baa lala galay, waxaana la isku dayey in la hor istaago, laakiin taasi suurtagal wey noqon weyday, oo Sharcigu wuxuu dhigayaa in tirada ugu yar ee Mooshin keeni karta ay noqdaan 11 Muddane, anaguna waxaanu noqonay 15 Muddane, haddii ALLE ka dhigana Ciidda dabadeed ayaanu ka doodi doonaa, haddii wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeynayo iyo haddii sidaas lagu daynayaba waa wax Xildhibanaadu dood dheer ka yeelan doonaan, wax se la isku dayey in wax nala marsiiyo ama nala jiidhsiiyo, taasina suurtagal wey noqon weyday”.