Madaxwayne kuxigeenka jsl Oo Hadlay Dhacdadii Ceel Afwayn Iyo Fariinta Uu Udiray Ehelada Dadkii Lagu Dilay!
August 13, 2019 - Written by admin
TACSI MADAXWEYNE
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoysaska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiintii ku geeriyootay shalay Ceel-afweyn oo dhammaa Todoba ruux oo afar ay haween yihiin.
Iyadoo Ciidamada amnigu ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mida dablaydii geysatay fal-danbiyeedkaa foosha xun, laguna daba jiro intii kale, waxaana socda hawl-galka lagu baadi goobayo hadhaaga dablaydaasi iyadoo la horgeyn-doono sharciga, ehelada dadkooda ku waayey falkaasina waxa uu madaxweyne ku xigeenku ku adkaynayaa inay dejiyaan xaaladooda kana war-sugaan hawl-galka ciidamada iyo horgaynta sharciga.