Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Shaaciyey Wakhtiga La Kicinayo Idaacadii Weynayd Ee Radio Hargeysa Oo Mudo Xumayd!
August 13, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL Maxamed Muuse Diiriye, ayaa ka warbixiyay qorsheyaal dhawaan wasaaradaas laga hirgalin doono.
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye oo xalay hadal ka jeediyay barnaamij faneed ku saabsanaa munaasibada ciidda oo uu xalay qabtay Telefishanka qaranka Somaliland, oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo qaar ka mida dadweynaha caasimada Hargeysa, oo lagu marti-qaaday furitaanka barnaamijkaasi.