Israel Oo Mamnuucday Booqasho Ay Ilhaan Omar Iyo Rashida Tlaib Ku Iman Lahaayeen Qudus Iyo Daanta Galbeed Ee Falastiin
August 16, 2019 - Written by admin
Jarusalem(Berberatoday.com)-Israel ayaa ka mamnuucday Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka booqasho ay qorsheeyeen inay ku tagaan Qudus iyo Daanta Galbeed, waxaa sidaas maanta shaaciyey wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Israel, Tzipi Hotovely.
“Go’aanka waa la gaaray, go’aanka waa inaan loo ogolaan inay halkan yimaadaan” ayuu Hotovely u sheegay Radio-ga Reshet ee Israel.