Khasaaraha Ka Dhashay Rasaas Ay Ku Fureen Ciidamada Liyuu Booliska Itoobiya Dad Saaranaa Gaadhi Rakaab Ah Oo Maray Xadka Somaliland Iyo Itoobiya.
August 16, 2019 - Written by admin
Hargaysa(Berberatoday.com)-Ciidamada Liyuu Booliska Ethiopia ayaa xalay saddex qof ku dhaawacay duleedka deegaanka Ina-guuxaa ee xadka Somaliland iyo Ethiopia.
Laba ka mid ah dhaawaca oo culus ayaa la keenay cisbitaalka guud ee Hargeysa,Dadkan ayaa saarnaa gaadhi rakaab ah marka ciidamada Ethiopia rasaasta ku fureen.
Weli ma cadda sababta keentay in la rasaaseeyo dadkan, Ethiopia iyo Somaliland weli kama hadal dhacdadan.