Saddex Dal Oo Isku Baheystay Inuusan Soo Laaban Madaxweyne Axmed Madoobe
August 18, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa warbixin dheer ka qoray arrimaha Jubbaland, gaar ahaan doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo dhaceysa Khamiista soo socota.
Wargeyska ayaa shaaciyey in dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay sameysteen isbahaysiga dadka Kosheetigga ah, islamarkaana ay doonayaan inay beddelaan Axmed Madoobe oo sanadkan la kulmaya cadaadis xoogan.