Al shabaab Oo Soo Bandhigay Magacyada Iyo Qabiilada Raggii Isku Qarxiyay Saldhigyada Awdhiigle
August 19, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay magacyada iyo Qabiilada Raggii waday labadii gaari ee isku qarxiyay xerada Ciidmaada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Warbaahinta ku hashada Afka Al-Shabaab ayaa laga sii daayay wareysiyi laga qaaday labada Shaqsi ee is qarxisay intii ay noolaayeen, iyagoo ka sheekeynaya meelaha ay beegsanayaan iyo Ujeedka ay ka leeyihiin weeradda ay ku qaadayaan Ciidanka Xoogga dalka iyo AMISOM.