Muxuu Salka Ku Hayaa Safarka Uu Madaxweyne Farmaajo Ku Tagay Jabuuti?
August 19, 2019 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galinkii dmabe ee maanta gaaray Magaalada Jabuuti, Madaxtooyada Soomaaliya ayaana faahfaahineysa waxa uu salka ku hayo safarkan.
Ra’iisul wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas Maxamuud Cali Yuusuf ayaa garoonka diyaaradaha ku qaabilay wafdiga Farmaajo, waxayna kulan gaaban ku yeesheen hoolka martida ee ku yaalla gegida gudaheeda.
Booqashada madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadday xilli ay dhawaan Jabuuti tagtay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma, iyadoo la ogyahay in muddooyinkii dmabe uu meel xasaasi ah marayay khilaafdka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.