Dowladda Qatar Oo Shaacisay In Ay Billaabayso Mashruuca Dhismaha Dekadda Hobyo + [ Sawiro ]
August 20, 2019 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Wasiirrada dekadaha Soomaaliya iyo Qatar, Maryam Aweys Jaamac, iyo Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa si wadajir ah maanta u shaaciyay in la billaabayo dhismaha dekadda Hobyo ee goblaka Mudug.
Munaasabadda oo lagu qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku–xigeenka dalka, wasiirka arrimaha dibadda Qatar, madaxweynaha Galmudug, qaar kamid xildhibaannada labada gole, wasiirro iyo wasiirro ku-xigeenno ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya