Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Golaha Ammaanka Kaga Hadlay Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Iyo Qodobo Kale
August 22, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa warbixintiisa saddex biloodka ah ee ku saabsan arrimaha Soomaalida ee uu u gudbiyo golaha ammaanka Qaramada Midoobay, wuxuu qaybo ka mid ah kaga hadlay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, oo uu tilmaamay in horumar aad u y ar laga sameeyay in wada hadaladu dib u bilaabmaan.