Carruus Garan Waayey Aroodadiisii Habeenkii Ay Aqal Galayeen Iyo Sababta Keentay !
August 26, 2019 - Written by admin
Glaskaw(Berberatoday.com)-Nin u dhashay Dalka Scotland ayaa waxa soo waajahday arrin aad u layaab badan habeenkii aqal galkiisa ninkan ayaa waxa uu ka soo dhacay kaabadaha salaanka oo dhererkoodu ahaa 3.7 Mitir, kadibna wuu miyir doorsoomay.
Ninkan ayaa aqoonsan waayey aroosadiisii sababtuna waxa ay aheyd koomadaasi uu galay sida lagu baahiyey saxaafada Daily Record oo Wargeyska himilo ka soo xigtay in ninkani uu ku nool yahay galbeedka Lothian, ninkan ayaa waxa magaciisa la yidhaahdaa Chris Malone waxaanu ka dhacay kaabado ku yaalla goobta aroosku ka dhacayay xilligaasi oo mid ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya goobtaasi uu ka caawinayay qaadista hadyado ay dhigayeen hoolka aroosku ka dhacayey.