Halista Sigaarka Electronic-Ka Ah Oo Kor U Sii Kaceysa !
August 26, 2019 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Saraakiisha Caafimaadka ee Dalka Maraykanka ayaa waxa ay shaaciyeen,in xaalad dhimasho ah oo uu sababay sigaarka Elektarooniga ahi ay ka dhacday dalkaasi.
Saraakiisha Caafimaadka ee dalkaasi waxa kale oo ay sheegeen in 190 xaaladood oo xanuun oo sambabada ah laga helay 22 gobol oo ka mid ah dalka Maraykanka oo dhammaan xaaladahaasina ay yihiin kuwo uu sabab u yahay sigaarkaasi Elecetronic-ka ah.