Daawo Muuqalka”Xisbiga Waddani Oo Si Adag Uga Jawaabay Warsaxafadeed Shalay Madaxtooyada Ka Soo Baxay
August 27, 2019 - Written by admin
WAR-SAXAAFADEED XISBIGA WADDANI
Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xassan waxa uu ka qeyb galay kullan ka dhacay qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland shalay oo ay taariikhdu aheyd 26-kii/08/2019. Kullankaas oo dhex maray Madaxweynaha iyo xisbiyadda qaranka JSL, fadhiga ayaa ahaa mid lagaga wada hadlayey sii amba- qaadka heshiishkii saddexda xisbi qaran hore ugu galeen Madaxtooyadda Somaliland 27-kii/7/2019.