Guddidii Dhexdhexaadinta Sarkaal Caarre Iyo Xukuumadda Oo Shir Degdeg Ah Ugu Baaqay Madax Dhaqameedka Somaliland
August 27, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddida beelaha Garxajis ee ku jirtay dhexdhexaadinta jabhadda Caarre iyo xukuumadda Somaliland ayaa sheegay inay nabadayntii ay ku jireen iskaga baxeen, isla markaana dalku badbaado u baahan yahay.
Guddidan ayaa sheegay in hadalkii shalay ka soo yeedhay taliyaha guud ee Ciidammada Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ay aheyd farriin ku socotay guddidii ku jirta nabadeynta gobolka Sanaag, waxaanay sheegeen inay hadalkaasi u aqoonsanayaan inuu ahaa hadal Madaxweynaha ka soo baxay.