Arooska Lammaanaha Ugu Da’da Yar Dalka Masar Oo Ka Dhacay Magaalada Sinbillawain !
August 28, 2019 - Written by admin
Cairo(Berberatoday.com)-Magaalada Sinbillawain ee dalkaasi Masar ayaa waxa looga dabaal dagay arooska lammaanaha ugu da’da yar ee dalkaasi oo meherkoodii ka soo wareegtay muddo dhan lix sanadood.
Lix sano ka hor markii lammaanahan la isku meheriyey ayaa waxa ka dhashay muran aad u fara badan kaasi oo ay sabab u aheyd da’da lammaanahaasi oo ay ahayd mid aad u yar waxaanay xilligaasi Carruuska oo magaciisa la yidhaahdo Sham’s ay da’diisu aheyd 13 jir halka Carruusada oo magaceeda la yidhaahdo Iman ay da’deedu aheyd 9 jir.