Iran Oo Xukun Adag Ku Ridday Nin Basaasnimo Lagu Soo Eedeeyay
August 28, 2019 - Written by admin
Tehran(Berberatoday.com)-Waaxda cadaaladda ee Iran ayaa sheegaysa in nin haysta jinsiyadaha Britain iyo Iran,
10 sano oo xabsi ah lagu xukumay ka dib markii lagu soo eedeeyay in uu u basaasayay hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad.
Anousheh Ashouri ayaa sidoo kale lagu ganaaxay lacag dhan $36,600.
Xafiiska Arrimaha Dibedda ee UK ayaa xaqiijayay inay taageerayeen qoyska ninkan haysta jinsiyadaha UK iyo Iran.
”Safaaraddeena ku taalla Tehran way sii wadi doontaa codsigeena ku aaddan taageeridda qoyska ninkan la xukumay”, ayuu intaasi ku sii daray xafiiska.