berberatoday.com
Jawaabaha Cadhada Leh Ee Ka Dhashay Hadalkii Taliye Nuux Taani Iyo Farriimaha Loo Diray Madaxweyne Biixi
August 28, 2019 - Written by admin

Hargaysa(Berberatoday.com)-Jawaabaha Cadhada Leh Ee Ka Dhashay Hadalkii Taliye Nuux Taani Iyo Farriimaha Loo Diray 
Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo dad kale ayaa si cadho leh uga jawaabay hadalkii uu taliyaha guud ee ciidanka qaranka
Somaliland sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taanai jeediyay Axadii toddobaadkan.
Xildhibaanadan iyo siyaasiyiintan ayaa ugu baaqay Madaxweyne Biixi inuu talaabo ka qaado taliye Taani, iyagoo sidoo kale
taliyaha dhinaciisa ugu baaqay inuu hadalkaas xaal ka bixiyo.
Xildhibaan Garas
Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, oo ka jawaabaya hadalkaas taliyaha
ciidanka qaranka ayaa yidhi “Ninka xilka haya ee dalka iyo dadkaba madaxda u ah inuu dadka kiciyo maaha, in Taliyaha
Ciidanka Qaranku meel masaalaxad laga wado inuu dab ka oogo maaha, hadalada cilada, cudurka iyo cadawada watana
looma baahna, ee hadalkaas uu yidhi aad iyo aad baan uga xumahay, Salaadiintuna waxay ahaayeen kuwii nabada iyo
maslaxada ka shaqeeynayey, markaas Taliyaha Ciidanka Qaranku waa inuu xaal ka bixiyaa waxaas uu ku hadlay, Madaxweynahana waxaa looga baahan yahay inuu talaabo ka qaado, waxaana leeyahay Madaxweynaha wixii Somaliland u
dana iyo masalxada umadda ha laga shaqeeyo, wixii cilad iyo cadawad keenayana ha la joojiyo,masuul kasta oo Xukuumadda
ka tirsan oo ku hadla hadalo umadda kala fogaynayana talaabo ka qaad, Xukuumadduna dadka dhegahooda wax wanaagsan
ha maqashiiso, oo wax wanaagsan oo dadka raaligeliya ha u sheegto, laakiin raali kama nihin hadalada naxliga, cadawada,
cilada iyo cudurka dadka ku abuuraya, waxaynu u baahan nahay wax wanaagsan, laakiin wax xun uma baahnin, balo iyo buuq
uma baahnin, ee waxaynu u baahan nahay in wixii dhibaatooyin ee jira in dariiqa ugu saxsan lagu dhammeeyo.”
Xildhibaan Gaane
Xildhibaan Siciid Gaane oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada oo isna ka jawaabaya hadalkaas Taliye Nuux Taani
ayaa yidhi ” Waxa cad oo marag ma doonto ah kuwaas uu leeyahay hanaga tagaan waxba may qabanayaane iyo kuwan uu
leeyahay ha ka daba tageen iyo kuwii hore ee tagay ee Caare ka midka ahaa intuba cadaalad daro iyo booshaaqaas uu shalay
ku hadlaayay ayay meesha uga tageen, isagaana maanta banaanka is keenay, waxa cadaatay cida kaliyaata ee qarankan dibin
daabyada ku ah inay tahay xukuumada haysata.”
Siyaasi Dhoolayare
Siyaasi Aadan Axmed Cilmi Dhoolayare ayaa wuxuu isaguna yidhi ” Taliyaha ciidanka qaranka ee intuu soo fadhiistay yidhi
waan kala diray ciidankii qaranka, macnaheedu waxa weeye haddii uu qabiil diray ciidankii qaranka ayuu kala diray, ma lihin

Ramaax
Xoghayaha arimaha gudaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa isaguna wuxuu yidhi “
Waxaan dhaliilayaa hadalka ka soo yeedhay Janaraal Taani oo wax badan maanta na xasuusinaaya waxaan runtii xusayaa
ayaantuu Xasan Yoonis soo galay Berbera ee uu lahaa afar inan oo calan cas ah iyo 300 oo xaafado ah cagtaan marinayaa
ayay la mid tahay, 27 sanadood ayaa maanta laga joogaa wax ayay na tusinaysaa kala dirista uu dalka kala diraayo jananku
inuu dalka inqilaab ka dhacay iyo in kale anagu ma garanayno, waxa kalifay inuu hadlo jananku waa mid ay umadu is
waydiinayso inuu heerkaas gaadho oo uu ciidamada kala diro oo uu yidhaahdo qaar jooga ayaa bixi doona kama yeelanyno,
umadda reer Somaliland waxaanu leenahay dalku waxa uu marayaa xaalad aan laga dulqaadan karin xaalad aanu qoysna isa
siin karin waxa dhacaaya qoysna aanu dhanka kale noqon karin oo meel looga soo wada jeesto badbaadada dalka.”
Xoghayaha guud ee Waddani
Xoghayaha guud ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi wuxuu isaguna yidhi “Badhan waa dhul reer Somaliland ah, dadka
badhan waa dad reer Somaliland ah askarta dhulkaas ka soo jeeda mushaharka qaadata mushaharkaas cid alle iyo cid ay marti
uga yihiin ma jirto, madaxweynaana uma aha taliyaha ciidankana ugama aha waa mid ay qarankan ku leeyihiin, waxii kale ee
gobalada bariga laga qabtaana ee cashuurta Somaliland lagu qabtaa maaha mid qofba qof marti uga yahay, waxa uu taliyuhu
yidhi waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay inay tagaan waxaana wax aad iyo aad looga naxo ah inay isaga iyo Puntland isku
wax ku farxaan, waxa uu ku farxay inay ciidamadaasi ka tageen waanu ku sababeeyay shilimaan iyo dhaqaale qaranka uga
badbaadaya, talihu cashuurta shuqul kuma laha shaqadiisana maaha sida loo qorshaynaayo iyo halka la marinaayaa waa arimo
siyaasi ah taliyaha waxa laga doonayay ciidankiisa,akhlaaqdiisa iyo wadajirkiisa inuu ilaaliyo isaga oo ciidankiisii maalin
walba ay xayni goosanayso iyada oo ciidanka maalin walba ay samacadiisu hoos u sii dhacayso, waa wax laga xumaado
halkii uu arimahaas xal uga raadin lahaa waxaynu aragnay ee aynu daawanay inuu ku sheekeeyo.Guray Cismaan Saalax waa
gaashaanle dawlada Somaliland ayaa siisay darajada dhawr iyo toban sano ayuu taliye guuto ahaa inuu talihiisii guud uu
yidhaahdo qaranka waxba umuu qabanayan inuu tagana waanu ku faraxsanahay kuwa joogaana ha tagaan macno kele oo fog
ayaa ay yeelaynaysaa, macno ah in dadka Somaliland laba loo qaybinaayo oo la leeyahay dadka qaar waxaad tihiin
muwaadinka labaad ayay samaynaysaa, shacabka Somaliland waa mid.”
Waxa uu ugu danbayntii fariin u diray xoghayaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani madaxweyne Biixi “Isbaaradan uu
nabada Nuux u dhigtay ma mid uu madaxweynuu dhig yidhibaa mise isbaaro uu isagu sidiisa u dhiganaayo oo uu u arkay in
aanay dan iyo wanaag ku jirin inay halkaas wanaag ka aslaaxo way soo bixi doontaa, madaxweynaa fursad ayaanu siinaynaa
inkasta oo aanu inkabadan 24 sugaynay inuu arintaas wax ka yidhaahdo oo ilaa hada dawlada hadalkaas Nuux Taani wax ka
danbeeyay aanay ka soo bixin oo ay muujinayso inay siyaasad dawladeed ay tahay.” waxa uu xoghayuu ku baaqay in loo
midoobo nabada Somaliland oo aan cid gaar ah ka xumaanayan.”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews