Maxaad Ka Taqaan Halista Ay U Leedahay Hooyada Uurka Leh Iyo Carruurta Maaddada Fluorine !
August 28, 2019 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Deraasad dhawaan la soo saaray ayaa waxa lagu cadeeyay in maaddada Fluorine ee ku jirta biyaha qasabadaha dalalka qaarkood in ay saameyn ku yeelato xaddiga caqliga ilmaha yar isla markaana ay hoos u dhigto.
Laga soo bilaabo sanadihii kontomeeyadii qarnigii hore waxa ay dalal badan bilaabeen in ay maaddadaasi Fluorine biyaha qasabadaha ku daraan sababtuna waxay aheyd in ay dadku ka badbaadaan suuska Ilkaha.