“Hadii Aynu Siciid Iyo Daa,Uud Kala Nahayna, Anagu Kuma Raacsanin Dagaal La Qaado”Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.
August 29, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo maanta ka hadlayay shir jaraa,id oo ay magaalada hargaysa ku qabteen madax-dhaqameedka beesha Daa,uud Garxajis ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka iyo hadaladii maalmihii udanbeeyay kasoo kala yeedhayay xukuumada iyo madax-dhaqameedka beesha habar yoonis kaasi oo abuuray xasaasiyad siyaasadeed.
Suldaan maxamed cabdiqaadir ayaa cadeeyay ka beel ahaan in aanay beesha ay walaalaha yihiin aanay kula socon wixii kasoo horjeeda Somaliland iyo dagaal toona.