“Soomaaliya Diyaar Uma Aha Wada Hadalada, Mana Doonayso Inay Inala Hadasho, Daacadna Kama Aha”Wasiir Yasin Faratoon
August 29, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, oo sheegay inuu doonayo in wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya lagu qabto Garowe.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadalada Somaliya iyo sababaha ilaa hadda hor raagan aqoonsiga Somaliland ee Caalamku u aqoonsan waayeen, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Madaxweynaha Puntland “Inagu Maamul ma nihin ee waxaynu nahay Dal iyo Dawlad, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland waa ku khalad inuu inaga Maamul inagu sheego, marka uu leeyahay Somaliya iyo Somaliland ayaan wada hadashiinayaa, oo Garowe ayaan Shir ugu qabanayaa si loo dhamaystiro Dastuurka qabyada ah, waxaan leeyahay marka hore adigu waxaad ka mid tahay Somaliya, Maamulkoogu waa Maamul Goboleed ka tirsan Somaliya, markaas Shir Somaliland aad ugu qaban karto Garowe ma jiro, Dastuur qabyo ka ah Somaliya oo Somaliland u yaalana ma jiro, anagu Somaliland ahaanu waxaanu leenahay Dastuur noo gaar ah, markaas marka aad leedahay Somaliland iyo Somaliya ayaana wada hadashiinayaana waa aragti gaaban, Madaxweynaha Puntland dhex ma noqon karo, wuxuu ka hadlayanaa waa waxay awalba ku hadli jireen qolada Somaliya ee uu la midka yahay”.