Suuriya: Tuug Isku Dayey Inuu Dhaco Lacag Saarneyd Baabuur Shil Galay !
August 29, 2019 - Written by admin
Suriya(Berberatoday.com)-Ciidanka Booliska Dalka Suuriya ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan Tuug baadhanayey Gaadhi Shil galay.
Ciidanka Booliska ayaa waxa uu warkaasi ku baahiyey Bogga uu ku leeyahay Baraha Bulshada ee Facebook oo uu Wargeyska Himilo ka soo xigtay, waxaanay ciidanka bileyska dalkaasi ku sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen dad isku dayey in ay xadaan amase dhacaan lacag saarneyd baabuur shil ku galay goob u dhaw Magaalo Madaxda Dalkaasi ee Dimishiq.