Wasiir Xukuumadihii Hore Soo Maray Oo Reer Sanaag-bari Ah Oo Taliye Nuux U Soo Jeediyay Inuu Raaligelin Bixiyo
August 29, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Maxamed Siciid Maxamed oo hore xilal wasiirnimo uga soo qabtay xukuumadii Somaliland kana soo jeeda bariga Sanaag, ayaa Taliye Taani ugu baaqay inuu dib uga laabto hadalkii uu warbaahinta mariyay, isla markaasna madaxweyne Biixi u soo jeediyay inuu xaalka Sanaag dib u eego oo uu meesha ka saaro dhibaatooyinka jira.
Wasiirkan hore ayaa sheegay in lacagta ay ka qiimo badantahay nabada iyo jiritaanka Somaliland, waxaanu isaga oo arimahan kala hadlay Cismaan Axmed oo ka mid ah tilifishanka Saab waxa uu yidhi” Taliyaha ciidamada qaranka Nuux Cismaan Taani waxa aad ahayd waa laguu qirayaa dalka iyo dadkana taariikhbaad ku leedahay, waxii aad ku hadashay kuguma haboonayn laakiin kugu wada tuuri mayno, waxaanu kuu soo jeedinaynaa cidii wax kaa tabatay Somaliland oo dhan inaad tidhaahdo sidaas uma jeedin hawshaas raali halayga ahaado oo aad arintaas qancin ka bixiso.”