Dawlada Federaalka Somaliya Oo Midowga Yurub La Gashay Heshiis Mashruuc Looga Fulinayo Berbera Iyo Moqdisho
September 1, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Wasiirka Qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, iyo agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah, Mr Stefano Manservisi ayaa si wadajir ah maanta u saxiixay 23 Milyan Yuuro oo Midowga Yurub ay ku maal gelinayaan mashruuca horumarineed oo loogu magac daray Eng. Yariisow, kaasi oo ka qayb qaadanaya horumarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera.
Mashruuca Eng Yariisow qaybtiisa Muqdisho oo lagu maal gelinayo 15 Milyan oo Yuuro ayaa si casir ah loogu dhisayaa wadda dhirirkoodu dhanyahay 17 KM, iyada oo qaybtiisa Berbera, looga shaqeynayo xoojinta awoodda dowladaha hoose ee qorshaha horumarinta magaaleynta iyo horumarinta dhallinyarada.