Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Suudaan Cumar Al Bashir Oo Dacwado Lagu Soo Oogay
September 1, 2019 - Written by admin
Khartoum(Berberatoday.com)-Garsoore maxkamadeed ayaa maanta si rasmi ah labada dacwadood oo midi tahay heysasho lacago qalaad oo sharci darro ah iyo musuq maasuq kusoo oogay madaxweynihi hore ee dalka Sudan Omar al-Bashir.
Isaga oo ka jawaabayay su’aalo marki ugu horreysay maxkamadda lagu dhex weydiiyay ayuu Al Bashiir sheegay, inuu lacag dhan 25 milyan oo doollarka Mareykanka ah ka helay dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman, lacagaha kalana uu ka helay meelo kala duwan oo uusan carrabaabin.