Madaxweynaha Somaliland Oo Safar Ugu Baxaya Wadanka Djibouti
September 3, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hogaaminayo ayaa socdaal ugu baxaya wadanka Djibouti.
Wararka laga helayo safarka madaxweynaha somaliland ku tagayo wadanka Djibouti ayaa sheegaya inuu martiqaaad rasmi ah ka helay dhigiisa wadankaasi Ismaaciil CumarGeelle.
Madaxtooyada somaliland ayaa la filayaa in salaasada ay ka hadasho safarka uu madaxweynaha somaliland ku tagayo wadanka Djibouti isla markaana faah faahiso ujeedada socdaalka hogaamiyaha dalka.