UK Oo Qarka U Saaran In Laga Qabto Doorasho Wakhtigeeda Ka Soo Hormarta Iyo Sida Ay Ku Dhici Karto
September 3, 2019 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Ra’iisal wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa ku adkeysanaya in uusan rabin doorasho guud oo xilligan ka dhacda dalkiisa, waxaana uu ugu baaqay xildhibaannada in aysan u codeyn dib u dhigidda waqtiga ka bixitaanka Midowga Yurub
Raysal wasaaraha Britain waxa uu isku dayi doono ku dhawaaqidda doorasho xilligeeda ka soo hormartay, dhici kartana 14-ka October, waa haddii xildhibaannada ay horjoogsadaan bixitaan heshiis la’aan ah.
Wasiirro hore oo ka tirsan xisbul xaakimka ayaa ka gacan siinaya xisbiga mucaaradka ah ee Shaqaalaha ka hortagga in UK ay 31 October Midowga Yurub uga baxdo qaab heshiis la’aan.