Boris Johnson Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Dagaal Hor Leh Wajahaya
September 5, 2019 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa wajahaya dagaal hor leh ka dib markii baarlamaanku ay dhadhansiiyeen guuldarradii u horraysay, arrintaasna waxaa iska kaashaday xildhibaannada xisbigiisa ka fallaagoobay iyo kuwa mucaaradka ah ee ka soo horjeeda in Britain ay ka baxdo Midawga Yurub iyadoo aan wax heshiis ah la gaarin.
Xildhaanno 328 ayaa aqlabiyadda helay iyadoo kuwa ra’iisulwasaaraha la safnaana ay noqdeen 301, sidaas ayaana lagagala wareegay ajendihii, waxaana u suuragashay in ay codsadaan qorshe dib loogu dhigayo ka bixitaanka Britain ee Midawga Yurub.