Beesha Caalamka Oo Wada Dedaalo Dublamaasiyadeed Oo Layskugu Soo Dhawaynayo Madaxweyneyaasha Muuse Biixi Iyo Farmaajo
September 6, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-dublamaasiyiin ka tirsan beesha caalamka ayaa dedaal ugu jira sidii ay u suura gelin
lahaayeen in mar kale dib loo bilaabo wada hadaladii u dhaxeeyey somaliland iyo soomaaliya.
Wararka laga helayo dublamaasiyiintan ayaa sheegaya inay cadaadis xoogan ku saarayaan madaxweyneyaasha
somaliland iyo soomaaliya kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyey iskaga dab qaadayey si ay layskugu soo dhaweeyo.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inay jiraan wadamo badan oo danaynaya inay markii ugu horaysay marti geliyaan wada haddalada somaliland iyo soomaaliya kuwaas oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Jabuuti, Norwey iyo Switzerland.