berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu Hoggaaminayey Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay+Sawiro
September 6, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka aynnu jaarka nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa maanta si rasmi ah waddanka ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisa oo safar shaqo oo qaatay 4(Afar maalmood) ku joogay waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa waxa garoonka caalamiga ah ee Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, maayarka caasimadda iyo badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, iyaga oo weftigu qaddar nasasho ah ku qaatay qolka nasashada ee madaarka Cigaal International Airport.

Image may contain: 2 people, people standing, wedding, sky, suit, shoes and outdoor

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon), ayaa saxaafadda uga warramay guulaha ka dhashay safarkaas iyo kulamo midho dhalay oo uu madaxweynuhu la qaatay madaxweynaha waddanka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo saraakiil kala duwan oo xukuumaddiisa ka tirsan, waxana uu hoosta ka xarriiqay in si buuxda la iskula afgartay dhammaanba waxyaabihii laga wada hadlay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

Image may contain: 2 people

“Safarkaasi waxa uu ahaa safar shaqo oo madaxweynaha Jabuuti uu casuumay madaxweynaha Somaliland, waxa uu ahaa safar danaha labada dal ka dhexeeya, danaha iyo walaaltinimada lagaga wada-hadlay, dhammaan waxyaalihii laga wada-hadlayna aad iyo aad baa la iskugu afgartay, weftigayagana waxa loo soo dhaweeyey si aad iyo aad u meeqaam sarraysa.”

Image may contain: 2 people, people sitting

Safarka shaqo ee uu madaxweynuhu kaga soo laabtay dalka Jabuuti, ayaa salka ku hayey casuumad rasmi ah uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle usoo diray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalialnd, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Image may contain: 3 people, people standing, wedding and suit

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews