War Deg Deg Ah”Xukuumada Somaliland Oo Albaabada Iskugu Dhufatay Xaruntii Telefishanka Horyaal24tv Ee Hargeysa Iyo Xaaladaha Keenay
September 6, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumada somaliland ayaa albaabada iskugu dhufatay telefishanka Horyaal24tv oo ka mid ah warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gasha somaliland.
Ciidamada amaanka ayaa goor dhawayd soo xidhay xarunta uu telefishankaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa, iyada oo laga dareeriyey dhamaan hawl wadeenadii loogu tagay.
Sidoo kale hawl wadeenada telefishanka ayaa Warbaahinta Onlineka ah u xaqiijiyey in ciidamada amaanku ay xidheen xarunta telefishankaasi, waxaanay intaasi raaciyeen in waaran qabasho ah lala raadinayo gudoomiyaha telefishankaasi Maxamed Cismaan Mire(Sayid).