Cisbataal Hargeysa Ku Yaala Oo Bilaabay Qaabka Ilmo Ku Beerista Caloosha Haweenka Iyo Tijaabadii Kowaad Oo Lagu Guulaystay
September 8, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Cisbitaalka Gargaar oo Hargeysa ku yaalla ayaa sheegay in uu bilaabay beerista Ilmaha iyadoo Ugxanta Aabbaha laga soo qaadayo laguna beerayo hooyada.
Dr Cabdiraxmaan Cali Aw-Koombe, ayaa HCTV u sheegay in hadda ay ku guulaysteen in hooyadii ugu horraysay ay Ilmo ku beeraan.
Dadka hawshan loo qabanayo waxa shardiya in ay soo caddeeyaan in ay isqabaan.
Adeegga Ilmo beerista ayaa horre dadka Soomaalidu u tegi jireen waddamada dibadda.