Magaalo Somaliland Ah Oo Gudaheeda Laga Mamnuucay Lo’da Iyo Qaadka Oo Meel Gaar Ah Loo Sameynayo Iyo Sababta Keentay
September 9, 2019 - Written by admin
Burco(Berberatoday.com)-Golaha Deegaanka ee Degmada Burco ayaa go’aano adag ka soo saaray Xoolaha Nool, Qaadka, Billicda, Istaanada Gaadiidka, Waqtiga Gaadiidka Xamuulka ama Alaabta ku rogayaan magaalada gudaheeda.
Maayirka Magaalada Burco Mudane Maxamed Muraad, ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada iyo go’aamadii ka soo baxay shirkii gollaha Deegaanka waxaanu yidhi, “Gollaha Deegaanka Degmada Burco waxay ansixiyeen marka hore in Xoolaha Degmada gudaheeda jooga in laba loo kala qaado oo Lo’da bishan aynu ku jirno wixii ka dambeeya aan lagu arki karin gudaha magaalada oo dibada looga saaro, Adhigana waxa go’aan lagaga gaadhay in la daaq geeyo oo qofkii Adhi haystaa uu maalintii daaq geeyo habeenkiina soo noqdo”. Maayirku waxa uu intaasi ku daray go’aanka uu Golluhu ka qaatay QAADKA, “Qaadka oo dhibaato aad iyo aad u weyn innagu haya mid nafeed iyo mid dhaqaale ba in loo sameeyo meel lagu kaantaroolo oo xero loo sameeyo”.