Daawo Muuqalka”Madaxweyne Biixi Oo Saraakiil Ciidan Bilado Gudoonsiiyey+Sawiro
September 10, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta billado iyo shahaado-sharafeeddo guddoonsiiyey Afar sarkaal oo katirsan ciidamada qaranka, kuwaas oo kasoo qalin-jebiyey kulliyadda ciidamada oo ku yaalla dalka Itoobiya, islamarkaana derejooyin aad u sarreeya ku qalinjebiyey.
Munaasibad uu madaxweynuhu shahaado-sharafeeddada iyo billadaha ku guddoonsiinayey saraakiisha katirsan ciidamada qaranka oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada, ayaa lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, waxana madaxweynaha ku wehelinayey taliyaha ciidamada qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, la-taliyaha madaxweynaha ee dhinaca siyaasadda, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde, gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) iyo afarta sarkaal ee la abaalmarinayey, waxana goobta laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo guulaha ay qaranka u soo hooyeen saraakiishani iyo sida ay tusaalaha ugu yihiin dhammaanba ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.