berberatoday.com
Tirada Dhimashada Askarta Amisom Ee Soomaaliya Lagu Dilay 2007–2019 Oo Noqotay 1,800 Oo Askari
September 13, 2019 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-)-Tirada askarta ka dhimatay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee dawladda Soomaaliya ilaaliya ayaa lagu sheegay 1,800 oo askari tan iyo markii ciidamada AMISOM la geeyay Soomaaliya sanadkii 2007.

Khabiir Maraykan Mr. Paul Williams ayaa baadhis qoto dheer oo uu sameeyay oo uu shalay ku soo bandhigay magaalada New york wuxuu ku sheegay in xogtiisa uu ku saleeyay shan meelood oo ay ka mid yihiin xogta Midowga Afrika, nidaamka maaliyadeed ee magdhowga la siiyay dadka ay eheladoodu ku dhinteen sannadahaas hawlgalada AMISOM.

Mr. Williams oo hore u qoray buugga caanka ah ee “Fighting for peace in Somalia” ayaa wuxuu sheegay in xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa laga sameeyay taalo lagu xuso ciidamada AMISOM ee la dilay.

Si gaar ah umuu sheegin Mr. Williams dalalka ay askarta dhimatay ka soo kala jeedaan, wuxuuse hoosta ka xariiqay in sannadihii u dambeeyay ay ciidamada AMISOM kaga dhintay hawlgalada Soomaaliya ay kor u socdeen. “Khasaaraha AMISOM soo gadhay intii u dhaxaysay March 2007 ilaa December 2018 waxay u dhaxaysaa 1,483 ilaa 1,884” ayuu yidhi khabiirkan Maraykanka ahi.

Daraasaadan uu diyaariyay kuma jirto khasaaraha kala duwan ee AMISOM soo gaadhay saddex bilood iyo badh oo uu ururinnayay xogtan, sidoo kalena khasaarahan uu soo bandhigay waxaan ku jirin khasaaraha AMISOM soo gaadhay lixdii bilood ee sannadkan u horeeyay.

Mr. Williams wuxuu sheegay inay adagtahay in la helo tirada dal kasta oo AMISOM ay ciidamadiisu ku jiraan kaga dhimatay hawlgalkan, maadaama oo aanay wadamadani soo bandhigin askarta lagaga dilo Soomaaliya, “Maaha siyaasad wanaagsan sidaasi” ayuu yidhi qoraaga daraasaadani, isagoo raaciyay “dhammaan askarta naftooda huray waa in si waadix ah loo cadeeyaa oo loo soo bandhigaa.”

Warbixintu waxay sheegtay in nidaamka maaliyadeed ee Midowga Afrika ee august 2009 ilaa September 2012 ay ka muuqato mag dhow konton kun oo dollar ah oo la siiyay askari kasta oo ka mid ahaa 439 askari oo laga dilay AMISOM, iyadoo toban kun oo dollarna la siiyay askari kasta oo ka mid ahaa 575 AMISOM askarteeda ah oo lagu dhaawacay hawlgalada Soomaaliya.

Warbixin maaliyadeed oo kale oo la soo saaray 2014 ilaa 2018 ayay iyadana warbixintu sheegtay in Midowga Afrika magdhow u bixiyay 74.6 milyan dollar intii u dhaxaysay 2014 ilaa 2018.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews