Askari Laascaanood Ku Dilay Askari Kale
September 17, 2019 - Written by admin
Laascanod(Berberatoday.com)-Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in hal askari alay lagu dilay xalay magaaladaas.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in dilka askarigan uu geystay askari kale, ka dib markii uu muran dhexmaray.
Askariga la dilay ayaa ka tirsanaa ciidanka asluubta ee Somaliland. Askarigii dilka geystay ayaa la sheegay inuu baxsaday iyadoo ay ku daba joogaan ciidamada ammaanku sida la sheeagay.