Lammaane Da’doodu Tahay 14 Jir Oo La Isku Doonay Iyo Jahawareerka Ka Dhashay
September 17, 2019 - Written by admin
Cairo(Berberatoday.com)-Dhawaan ayey aheyd markii dalka Masar uu ka dhacay arooskii Lammaanaha ugu da’da yaraa dalkaasi kuwaasoo muddo lix sano ah isa sugayey doonistoodii kadib.
Haatan’se waxa dalkaasi ka dhacday xaflada doonista lammaane aan ka qalanjabin dugsi hoose dhexe kuwaasi oo da’doodu tahay 14 jir, xaflada meherka lammaanahan aadka u da’da yar ayaa waxa aad loogu qaadaa dhigay baraha bulshada, waxa aanay dad badan oo dalkaasi u dhashay dhacdadani ku tilmaameen inay tahay khalad akhlaaqi ah iyo sidoo kale in arrintaasi ay qanuunka ka soo horjeedo.