Macalinka Ugu Wanaagsan Dunida Oo La Kulmay Trump
September 17, 2019 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Peter Tabichi oo kasoo jeedo dalka Kenya oo horraantii sannadkan loo magacaabay macalinka ugu wanaagsan dunida ayaa aqalka cad kula kulmay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ka hor inta uusan macalinkan khudbad ka jeedin shirka golaha Qaramada Midoobey.
Waxaa uu ku guuleystay abaal marinta la siiyo macalinka ugu wanaagsan dunida sannadkan 2019-ka.
Peter Tabichi waxaa uu maadda Seyniska ka dhigaa dugsi sare oo ku yaalla magaalada Nakuru oo dhacdo waqooy galbeed Nairobi.
Sawirka macalinka iyo madaxweynaha Mareykanka markii ay kulmeen, waxaa barta Twitter-ka soo geliyay xoghayaha warfaafinta ee aqalka cad.