Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja oo Cambaareeyay Laba Wariye oo Lagu Xidhay Burco
September 17, 2019 - Written by admin
Burco(Berberatoday.com)Ciidamada Bileyska ee gobolka Togdheer ayaa maanta magaalada Burco ee Xarunta gobolkaasi ku xidhay laba wariye oo war ka duubayey mashaariic Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu xadhiga ka jaray.
Sida laagu sheegay War Qoraal ah oo ka soo baxay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja, kaas oo u dhignaa sidan:-
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu ka xun yahay qabashada ciidanka booliiska Burco ay ku xidheen laba wariye oo ka tirsan gobolka Togdheer.
Labada wariye ayaa la qabtay iyagoo war ka duubaya mashaariic uu madaxaweyne Muuse Biixi Cabdi ka jarayey xadhiga, halkaas oo ay wariyayaal kale wax ka duubayeen.