Doorashadii Israel Yaa Ku Adkaadey ?
September 18, 2019 - Written by admin
Israel(Berberatoday.com)-Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo ninka la loolamaya ee Benny Gantz ayaa ku kala adkaan waayey doorashadii guud ee shalay dhacday, taasi oo sare u qaadeysa suurta-galnimada ah in la dhiso dowlad wadaag ah, ama xitaa uu soo geba-geboobo xukunkii muddada dheeraa ee Netanyahu.
Warbaahinta Israel ayaa werineysa in in xisbiga garabka-midig ee Netanyahu ee Likud iyo kan Gantza ee Blue and White uu mid walba helay 32 ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamanka, ayada oo 90% la tiriyey codadka.