Imaraadka Oo Weli Ka Aamusan Dhawaaqii Madaxweyne Biixi Ee Madaarka Berbera Iyo Madaxweyne-Xigeen Saylici Oo Dalkaas Ku Sii Jeeda
September 18, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa weli ka aamusan hadalkii uu Madaxweyne Biixi ku sheegay in madaarkii saldhiga u ahaa UAE ee Berbera loo bedelay mid rayid ah oo ay wada isticmaali doonaan rayidka iyo ciidamaduba.
Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegtay inaanay dawladda Imaaraadka Carabtu ka jawaabin email ay u direen si ay jawaab uga bixiyaan hadalka uu Madaxweynaha Somaliland ku sheegay in garoonkii diyaaradaha ee saldhiga milatari u ahaa UAE, loo bedelay mid rayid ah.
Madaxweyne Biixi ayaa magaalada Burco ka sheegay inaanu laalin heshiiskaas balse ay madaarka wada isticmaali doonaan diyaaradaha shicibka ah iyo kuwa milatariguba.