berberatoday.com
Madaxweynaha Afghanistan Oo Qarax Ka Badbaaday
September 18, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 24 qof ayaa ku geeriyootay qarax uu qof is-miidaamiyey la beegsaday isu soo bax olole doorasho ah, oo uu madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ku qabtay gobolka Parwan.

Kooxda Taliban ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa waxayna ka digtay rabshado dheeri ah, ka hor doorashooyinka ka dhacaya dalkaas.

Saacad kadib qaraxa ayaa sidoo kale qarax kale waxa uu ruxay bartamaha magaalada Kabul, meel u dhow safaaradda Mareykanka, inkasta oo weli aysan caddeyn khasaaraha ka dhashay

Qaraxyada ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu si deg deg ah u joojiyey wada-hadallo lala lahaa Taliban, oo lagu raadinayey heshiis ay ciidamada Mareykanka uga baxaan Afghanistan.

Qofka isku qarxiyey isu soo baxa gobolka Parwan – oo hal saac u jira waqooyiga Kabul – ayaa watay mooto, wuxuuna isku qarxiyey bar dadka lagu baaro oo laga galo goobta uu madaxweyne Ghani kula hadlayey daweynaha, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha, Nasrat Rahimi.

Agaasimaha isbitalka Parwan, Abdul Qasim Sangin ayaa AFP u sheegay in haween iyo caruur ay ka mid yihiin 24-ka qof ee dhintay, halka 32 qof oo kale ay dhaawac yihiin.

Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa la sheegay inaanay wax dhibaato ah gaadhin

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews