Trump ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu caawiyo Sacuudiga oo xulufo muhiim la ah, kadib weerarkii loo adeegsaday diyaardaha drone-ka, oo si aan horey loo arag sare ugu qaaday qiimaha saliidda caalamka.
Si kastaba, Trump waxa uu sheegay inuu sugayo go’aan “qayaxan” oo ku saabsan cidda mas’uulka ka ah weerarka.
“Ma doonayo inaan dagaal cusub ku lug yeelano, balse mararka qaar waad ku qasban tahay” ayuu yiri. “Kani waxa uu ahaa weerar aad u weyn, balse waxaa looga jawaabi karaa weeraar dhowr mar kasii weyn.”