Shaqaale Laga Eryay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa Ee Cigaal Oo Madaarka Garowe Dawlada Xamar Shaqo Ka Siisay
September 18, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-8 ka mid ah shaqaalihii dhawaan laga eryay garoonka diyaaradaha Hargeysa ayaa shaqo cusub ka bilaabay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Shaqaalahan oo hore ugu shaqayn jiray hay’adda duulimaadyada Qaramada midoobay ee ICAO kana hawl geli jiray garoonka Hargeysa ayaa hadda waxa la wareegay dawladda federaalka Soomaaliya.
Maamulka hay’adda duulimaadyada Somaliland ayaa hore shaqada uga eryay shaqaalahan iyagoo ku sababeeyay in ay saxeexeen mushahar ay bixinayso dawladda Soomaaliya.
shaqaalahan ayaa iyaguna ku doodaya in xukuumadda Somaliland siiso shaqo u dhiganta tii ay u hayeen ICAO.
ICAO, ayaa hore dawladda federaalka Soomaaliya ugu wareejisay maamulka hawada Soomaaliya oo ta Somaliland-na ku jirto.