Xildhibaan Siciid Gaane Oo Sheegay In Culaysyo Dibedda Kaga Yimid Madaxweyne Biixi Ku Kallifeen Hadalladii Is-buriyey Ee Uu Saldhigga Millateri Kaga Hadlay!
September 18, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Siciid Warsame Gaane oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi soo food-saareen Culaysyo Siyaasadeed oo dibedda kaga yimi, waxaanu ku eedeeyey sharci-jebin iyo musuqmaasuq Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa.
Xildhibaan Gaane, oo maanta u warramay Barnaamijka Xog-wadaag oo ka baxa Baddacas24tv, isla markaana uu daaddihiyo Cabdifataax Ismaaciil Mursal, ayuu sheegay in culaysyo siyaasadeed oo dibedda kaga yimi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku kallifeen hadallo isburiyey oo uu Sabtidii iyo axaddii toddobaadkan ka kala jeediyey Berbera iyo Burco ee la xidhiidhay saldhigga Millateri ee imaaraadka laga siiyey Berbera oo uu marna sheegay inay la soo noqdeen, saacado ka dibna uu yidhi heshiiskii kamaannu bixin.