Halkan Ka Akhriso Wixii Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Ee Khamiista
September 20, 2019 - Written by admin
WAR-SAXAAFADEED: 19 /09/2019
Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Maanta Lagaga Hadlay Arrimo Dhawra
Kal-fadhigii 41-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu lafo-guray arrimaha nabad-gelyada, sidoo kalena waxa warbixin lagaga dhegaystay gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda.
Waxa kulankan diirada lagu saaray adkaynta amniga waxaanu goluhu ku dheeraadeen ahmiyada weyn ee nabadgelyadu u leedahay dalka iyo dadka iyagoo hoosta ka xariiqay in cid kasta oo lidi ku ah amniga laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan, oo aan loo dulqaadan cid kasta oo ku hawlan nabadgelyo daro iyo hurinta colaadaha soo noqnoqday.