Wasiirka Duulista Hawada Putlan Oo Sheegay In Shaqo Laga Siiyay Madaarka Garowe Shaqaale Laga Eryay Garoonka Diyaradaha Hargeysa
September 21, 2019 - Written by admin
Garowe(Berberatoday.com)-Wasiirka Duulista Puntland Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley), ayaa sheegay in 7 ka mid ah shaqaalihii dhawaan laga eryay garoonka diyaaradaha Hargeysa ay si rasmiya shaqo uga bilaabeen Garoonka Garoowe.
shaqaalahan ayaa u shaqaynayay hay’adda ICAO ee Qaramada midoobay taas oo hadda hawlaha maamulka hawada Soomaaliya ku wareejisay dawladda Federaalka.
wasiirka ayaa sheegay in tani tahay fursad qaaliya oo Puntland ka faa’idaysatay.