Caleemo Saarkii Madaxweynaha Jubbaland Oo Dib U Dhacay Iyo Wararkii Ugu Danbeeyey
September 24, 2019 - Written by Berbera Today
Kismaayo(Berberatoday.com)-Kadib markii Dowladda Soomaaliya ayaa culeys badan saartay Jubbaland, lana joojiyey duulimaadyadii tagi jiray Magaalada Kismaayo, wararka soo baxayo ayaa sheegayo in dib u dhac uu ku yimid caleema saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
26 Bishaan ayaa lagu ballansanaa in Caleema saarka Madaxweynha Jubbaland Axmed Madoobe uu ka dhaco Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaadhka ah ee Maamulkaas.