“Hawada Soomaaliya Ma’aha Dukaan Uu Qof Leeyahay”Madaxweyne Deni Oo Ka Hadlay Xayiraada Kismaayo
September 26, 2019 - Written by Berbera Today
Garowe(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka mid ah madaxda lagu martiqaaaday ka qeybgalka caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa si adag uga hadlay xayiraada la saaray duulimadyadii tagayay magaalada Kismaayo.
Madaxweyne Deni oo wareysi siinayay Idaacada VOA ayaa sheegay in uu ka xun yahay wax uu ku tilmaamay xadgudubka sharci ee dhacay iyo ku tumashada Dastuurka, isaga oo sharci darro ku tilmaamay xannibaada lagu soo rogay duulimaadyadii Kismaayo.
“Hawada Soomaaliya ma ahan Dukaan qof leeyahay, waa hawo sharci ku dhisan oo sharci lagu maro oo qawaaniin caalami leh, aad baan uga xumahay ku xadgudub Dastuur inuu dhaco, qof ra’yi siyaasadeed wuu qabi kara in xayiraad dadka iyo isu socodka loo saaro sax ma ahan arrin aan ku habooneyn dowladnimada iyo dadnimada ayaa u arkaa ”ayuu yiri Saciid Deni.