Xukuumada Oo Shirkadaha Shidaalka Ku Wargelisay Inaan Meel Lagu Shubo Loo Haynin Shidaalkooda Bisha Oktoobar
September 26, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa shirkadaha shidaalka dalka keena ku wargelisay inaan bishan Septermber inta ka hadhay iyo bisha Oktoobar meel loo haynin shidaal ay dalka keenaan, gaar ahaan baatroolka.
Warqad qoraal ah oo uu maareeyaha kaydka shidaalka Berbera Xasan Axmed u gudbiyay toddobaadkii hore shirkadaha shidaalka keena dalka oo uu ogaysiin siiyay Madaxweyne Biixi, wasiirka ganacsiga iyo badhasaabka gobalka Saaxil, oo aan saxaafadda loogu tallo gelin balse uu Geeska Afrika helay, ayaa waxa kale oo ay xukuumadu sheegtay inay dalka keeni doonto naafato. Warqada ayaa u qornayd sidan “Mudanayal, waxaanu idinla socodsiinaynaa in baatroolka yaala uu dalka wadi karo muddo dhan laba bilood. Waxa iyana aad ogtihiin inay dawladu keenayso baatrool bisha Oktoobar. Si aanu haddaba u dhicin khasaare shirkadaha kaga yimaada dhammreyjka waxaan idinku wargelinayaa in aanaan meel u ahayn baatrool bishan inta ka hadhay iyo bisha oktoobr gudaheeda midna. Wixii intaas ka dib banaanaada waa laysla socodsiinayaa laakiin fadlan arrintan ha dhayalsanina maadaama ay taay go’aan dawladeed oo aan aad ugu adkaysanayno.